Madaxweyne Guudlaawe oo furay kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabelle (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta furay kalfadhiga 3aad Baarlamaanka 2aad ee Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirro Salaadiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee amaanka, howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxaha argagixsada alshabaab, Arrimaha heshiisiinta oo maraya meel wanaagsan, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, dhameystirka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Hirshabeelle iyo dhismaha golaha cusub ee wasiiradda Dowladda Hirshabeelle oo maalmaha soo socda la magacaabi doono.

Madaxweynaha ayaa Gudoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadceliyay gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah waxa uuna ka dalbaday inay xoojiyaan u shaqeynta bulshada iyo la xisaabtanka Xukuumadda.

- Advertisement -