Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxo hubeysan oo Nairobi ka afduubtay Aqoonyahan Soomaali ah & Booliska oo..

Prof.Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka tirsan aqoonyanada Soomaalida ayaa lagu  afduubtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa  magaalada Nairobi ka watay maalintii Arbacada, ilaa hada nolol iyo geeri midna laguma hayo.

Prof. C/wahaab Sheekh ayaa ka faalooda arrimaha geeska Afrika, isagoo inta badan dhaliili jiray dowladdaha shisheeye ee fara gelinta ku haya Soomaaliya, waxaana doodihiisa qaar la sheegaa inuu ku taageero madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Somalia Farmaajo.

Cabdiwahaab ayaa la sheegay inuu dhawaan booqday Muqdisho, isagoo markaa ka dib noqday taageere Farmaajo. Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in sidoo kale loo qoray lacag si uu warbaahinta uga taageero Farmaajo iyo siyaasadiisa.

Khilaafka Farmaajo & Rooble ayuu ka hadlayey maalmihii dambe, isagoo wareysiyo uu siiyay warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha si adag ula hadlay Ra’isul Wasaare Rooble, kuna eedeeyay inuu balantii kaga baxay Madaxweyne Farmaajo

Weli ma cadda sababta loo afduubtay aqoonyahanka iyo cida ka dambeysa, waxaana socda baaritaan ay wadaan Booliska Kenya oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/00ge2CKSJ8w

Related posts

Golaha Wakiiladda Puntland oo saaka gudagalaya wax ka beddelka dastuurka iyo dedaalo socday oo…

Cabdi Cade

Dib u habeyn balaaran oo lagu sameenayo Hay’adda Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray xarunta Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---