Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Tirada dadka uu soo ritay COVID-19 & kuwa u dhintay oo sii kordhaya

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiwaan gelisay maanta kiisaskii ugu badnaa COVID-19 ee muddo sanad ah laga helo dalka.

Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ayey Wasaaradu ku sheegtay in la diiwaan geliyay 326 xaalado cusub oo COVID-19 ah 72-kii saac ee la soo dhaafay, halka 21 kale ay u geeriyootay.

Tiradan ayaa muujineysa in cudurka uu markii 3aad ku sii xoogeysaneyo dalka

Wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay ay u qeybsan yihiin sidan:-

-Laga Helay: 326

-Somaliland: 133

-Banadir: 86

-Puntland: 38

-Jubbaland: 29

-Galmudug: 26

-Konfurgalbeed: 14

-Lab: 159

-Dhedig: 167

-Bogsashada: 128

-Dhimasho: 21 (Banadir: 12, Somaliland:7, ubbaland:2)

-Tirada Guud ee Laga Helay: 18,273

-Bogsashada Guud: 8,926

-Dhimashada Guud: 1,017

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

https://youtu.be/00ge2CKSJ8w

Related posts

Daawo:- Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo 24 Saac kadib shaaciyay Khasaaraha qarixii shalay

Caydiid Ali

Xaggee ku dambeysay xiisadii ka dhex aloosneyd Fahad Yaasiin iyo Haaruun Macruuf..?!

Caydiid Ali

Maxaa Ku Kallifay Madaxweyne Farmaajo Inuu Ku Dhaco Dabinka Cadawga Dalka?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---