Booliska DF oo ka hadlay qaraxyadii lagu riiqmay ee ka dhacay nawaaxiga Zoobe

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Aaden Cali (Duudishe)  ayaa faahfaahin ka bixiyay laba qarax oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo loo adeegsaday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ayaa lagu weeraray xarunta wasaarada Waxbarashada dowlada Somalia oo ku taalla agagaarka lami yaraha Zoope

Afhayeenka ayaa sheegay in Al-shababa ay weerarka la beegsadeen goobo waxbarasho oo ka ag dhaw isgoyska Soobe, halkaasi oo xilligaasoo dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen.

“Qaraxyada oo labo ahaa Waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe ama KM5 oo ahaa goobtii ay Shan sano ka hor ku laayeen dadkii birimagayda ah 14 October, waxaana ujeedka weerarka ahaa beegsiga xarun waxbarasho oo loogu adeegayay ardayda Soomaaliyeed, laakiin ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah oo sii hayay xogta dhagarta argagixisada ayaa ka hortagoodu waxa uu yareeyay Khasaarihii ay cadowga khawaarijta ah la damacsanayeen shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Waxaa uu intaas ku daray in qaraxyadaas ay ku dhinteen shacab fara badan oo iskugu jiray hooyooyin, caruur iyo dad kale, taasoo uu yiri muujineysa in Al-shabaab hadafkoodu yahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay inuu socdo tirakoobka dadka ay waxyeeladu ka soo gaareen qaraxyada, isla markaasn ay dib laga soo gudbin doono tirada iyo dhaawacyada ka dhashay qaraxyadan.

- Advertisement -