Akhriso Fariin uu Cabdiweli Muudey u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahin Muudey ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u diray fariin loogu sheegayo xiliga ay kulmaan Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa fariin ahaan loogu diray in maalinta beri oo arbaca ah taariikhdana ku beegan tahay 04/04/2018 uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana ajandaha kulanka Baarlamaanka uu yahay Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Gudoomiye Jawaari.

Halkan ka Akhriso Fariinta loo diray Xildhibaanada 

Mudane Xildhibaan, Sii hayaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha in Maalinta berri oo Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabka Ajendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka Baarlamaanka Federaalka ee maalinta beri ah ayaa mid xiiso gaar ah leh, waxaana la filayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ka doodaan Mooshinka laga keenay Jawaari kadibna codka kalsoonida u qaadaan.

Waxaa guul dareestay waan waan Madaxweynaha Soomaaliya ka dhax waday Labada garab ee Xildhibaanada u kala jabeen, Gudoomiye Jawaari ayaana la sheegay in uu iska diiday dalabyo dhoor ah uu Madaxweyne Farmaajo hor dhigay.

Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee beri yeelanayaan ayaa laga yaabaa in foodo ka dhacdo hadii ay kulanka soo wada xaadiraan labada garab ee Xildhibaanada iska soo horjeeda.

Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamanaka  Jawaari laga gudbiyay waxaa saxiixay in ka badan 190-Xildhibaan, waxaana Jawaari Codka kalsoonida kala noqon karta Xildhibaano gaaraya 183-Xildhibaan .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii sabtida baajiyay Kulankii Baarlamaanka yeelan lahaayeen kadib markii laga cadsaday in ay foodo dhacdo, lamana oga sida uu beri kulanka u dhici doono iyo natiijada kasoo bixi doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -