Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble & Dilka Ikraan Tahliil

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhax galay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Sheekh Shariif ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay khilaafka xiligan xasaasiga ah soo kala dhax galay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxa uuna xusay in khilaafkan uu caqabad ku keeni karo habsami u socodka doorashada dalka uuna sababi karo xasilooni daro.

”Waa nasiib darro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna aad u niyad jebinayaa dadka Soomaaliyeed, oo rajada ka qaba in dowladnimada horay u sii socoto iyo dadka taageera Soomaaliya 30-kii sano oo filaayay inay cagahooda ku istaagaan dowladnimadu baahdo, khilaafkan wuxuu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka oo mar kasta ay sii daahaan ay soo bixi karaan dhibaatooyin cusub oo keeni kara doorashooyinka in aanay u qabsoomin sidii loogu tala galay. ” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble in ay heshiiyaan kana waantoobaan in waqtigan gabo gabada ah galaan dagaal siyaasadeed iyo khilaaf, waxa uuna kula taliyay in ay xaliyaan khilaafkooda gacmahana is qabsadaan si doorashada loo guda galo.

”Waxaa leeyahay Madaxda Qaranka, mas’uuliyad weyn idin saaran, haku gabagabeynina dagaal iyo khilaaf ee ku gabagabeeya in aad gacanta is qabsatiin khilaafkiina xalisatiin doorashada sida loogu tala galay ay u socoto dhinaceena waxaa diyaar u nahay wax kasta oo keeni kara is faham iyo isu tanaasul, in hey’adaha amniga ay wada shaqeeyaan so doorashooyinka ay u qabsoomaan” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhinaca kale Sheekh Shariif oo ka hadlay dilka Ikran Tahliil loo geestay ayaa ku tilmaamay fal aad u xun oon la aqbali karin, waxa uuna ku baaqay in gabadhaasi cadaalad hesho lana horkeeno maxkamad dadkii ka dambeeyay dilkeeda.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Madaxweynahe Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble , khilaafkan ayaana ka dhashay kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -