Sacuudiga oo war kale oo yaab leh ka soo saaray dilka saxafiga Jamal Kashoqgi

Dowlada Sacuudiga ayaa markii saddexaad bedeshay warka ku sabsanaa qaabka loo dilay saxafiga Kamal Kashoqgi oo 2-dii bishan lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Sida ay faafisay Wakaalada Wararka Sacuudiga, Xeer ilaaliyaha guud ee Boqortooyada Sacuudiga oo sheegay in dilkii loo geystay Jamal Kashoqgi uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay, isagoo soo xigtay warar ay ka heleen Turkiga.

Xeer ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka kiiskan uu socdo, lana eegayo macmuulaadka uga yimid dhinaca Turkiga, isla markaana xaqiiqada laga sal gaari doono, iyadoo gacanta lagu hayo 18 qof oo arrintan loo heysto.

Sacuudiga ayaa u muuqda inuu  ku sii dhowaanayo inuu qaato xogtii Turkiga shaaciyey ee ahaa in si fool xun loo dilay saxafiga, loona qorsheeyay, iyadoo hore Sacuudigu u sheegay warar kala duwan.

Sacuudigu ayaa gebi ahaan beeniyay markii hore dilka saxafiga Jamal Kashoqgi, waxayna ku adkeysteen inuu ka baxay safaaradooda, balse mar kale ayey haddana shaaciyeen war kii hore ka bedelan oo ahaa in Jamal Kashoqgi u ku dhintay dagaal dhexmaray dad loogu diray inay ku qanciyaan ku laabashada Sacuudiga, mar kale waxay sheegeen Sacuudiga in la isku dayey Jamal in la aamusiyo, kadibna uu u dhintay inuu neef qabatoobay, ugu dambeyna manta ayey qirteen in dilka Jamal Kashoqgi uu aha mid la soo qorsheeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -