Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay qarax & Al-Shabaab oo ka hadashay

Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa qarax lagula eegtay inta u dhexeysa degaanada  Danow iyo Golweyn ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Qaraxan oo ahaa miino wadada lagu aasay ayaa la sheegay inuu qabsaday qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas fara badan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa war ay ku baahisay baraha Taageera ku sheegatay qaraxan, iyagoo intaas ku daray iney ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha.

Weli ma jiro war ka soo baxay AMISOM oo la xiriira Qaraxan, lamana hayo illaa hadda war xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Al-Shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -