Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daalibaan oo Casuumad u dirtay dhoor Dal iyo Ujeedka ee ka leedahay oo la shaaciyay

Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu sheegay inay Casuumaad u kala diray dhowr Dowladood, si ay uga soo qeyb galaan Munaasabada lagu shaacinayo Dowladda Cusub ee Imaarada Islaamiga ee Afganistan.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta Shamshad News Broadcaster waxa uu xaqiijiyey in dhowr dal oo ay ku jiraan Turkiga, Raashiya iyo Shiinaha ku casuumeen Xafladda ay Hoggaanka Sare ee Daalibaan kaga dhawaaqi doonaan Dowlad cusub ee dalka Afganistan.

Ma kala cadda inay Wafuud here Wasiir ah oo ka kala socda Dowladaha Shisheeye ee lagu Casuumay Munaasabadaasi ka soo qeyb geli doonaan iyo in kale.

Balse, waxaa la hadal hayaa inay Danjirayaashooda ku sugan magaalladda Kabul ku matali doonaan Munaasabadaasi oo la filayo in lagu qabto Qasriga Madaxtooyada ee Kabul.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer ayey Hoggaanka Daalibaan dib u dhigeen Shaacinta Dowladda Imaaradda Islaamiga ee Afganistan oo la filayey in Jimcihii la soo dhaafay lagu dhawaaqo.

Ururka Daalibaan waxay horey Talada dalkaasi majaraha u hayeen muddadii u dhexeysay sanadihii 1996-dii ilaa 2001-dii, iyagoo dhisay Dowlad Islaami ah oo ku-dhaqanta Shareecada Islaamka.

https://youtu.be/diVW8YjHq4I

Related posts

Xubno kamid ah Qoyska ninkii maleegay Qaraxyadii Sri Lanka oo la dilay

Cabdi Cade

RW Hore oo ka waramay guusha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, kuna baaqay ha arrin

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo booqashadii ugu horeeysay ku tagay Degmada Kaxda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---