Xubno kamid ah Qoyska ninkii maleegay Qaraxyadii Sri Lanka oo la dilay

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Sri Lanka ayaa dilay xubno kamid ah qoyska ninka lagu tuhmayo in uu maleegay qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee axadii hore ka dhacay dalka Sri Lanka.

Zahran Hashim oo ahaa asaasihii kooxda islaamiga ee NTJ ( National Thawheed Jamath) ayaa lagu tuhmayaa in uu maleegay qaraxyadii ruxay dalka Sri Lanka, waxaana ninkan sidoo kale kamid ahaa dadkii isku qarxiyay Hotel kuyaala magaalada Colombo.

Howlgal ay ciidamada Sri Lanka ka fuliyeen guri kuyaala magaalada uu kasoo jeedo Zahran ayaa lagu dilay aabihii, iyo labo wiil oo la dhalatay ,waxa ay sidoo kale ciidamada waxyeelo kale gaarsiiyeen xubno kale oo qoyskan kamid ahaa.

Ehelada dadkan la dilay ayaa sheegay in weerarka ciidamadu ay qaadeen maalinti jimcaha ay ku dileen Mohamed Haashim oo ahaa Aabaha ninka is qarxiyay iyo labadiisa wiil oo lagu kala magacaabi jiray Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim.

Dowlada Sri Lanka ayaa xaqiijisay in xubno qoyskan kamid ah la dilay qaarkoodna qarax guri ka dhax dhacay ay ku dhinteen, waxaana dadka qaraxa ku dhintay loo maleenayaa in ay ku jirto hooyada Zahran.

Qaraxyadii lagu qaaday Hoteelo iyo Kaniisado kuyaala dalka Sri Lanka axadii hore ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 290-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 300-qof oo kale.

- Advertisement -