Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Caawa kulan Deg deg ah la qaatay Taliyaasha Ciidamada iyo Muudey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan deg deg ah la yeeshay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka iyo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Muudey.
Rooble ayaa kala hadlay taliyaasha ciidamada Qalabka sida  xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa dhamaan taliyaasha Ciidamada Qalabka sida sida Taliyaha ciidanka Milatariga, Taliyaha Booliiska, Taliyaha cusub ee ciidanka NISA iyo taliyaha ciidanka Asluubta.
Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa taliyaasha uga digay in ay ku lug yeeshaan xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan khilaafka cusub ee ka dhashay xil ka qaadista Taliyihii NISA uu Madaxweynaha kasoo horjeestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Seddex Sabab oo Saciid Deni taajka Madaxweynaha Puntland loogu suray !!

Cabdi Cade

Somaliland oo xirtay haweeney dalbatay iney dhexmarto Suuqa iyadoo qaawan

Caydiid Ali

Kim Jong Un iyo Vladamir Putin oo kulan Xasaasi ah yeelanaya iyo Mareykanka oo ka Walaacsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---