Ciidamada Amaanka oo caawa awood u adeegsaday Dibad bax lagu taageerayay Go’aankii Rooble

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah tababaran ee Haramcad ayaa awood  caawa u adeegsaday kala eryida dibad baxayaal taageersanaa go’aankii Rooble xilka uga qaaday Fahad Yaasiin sidoo kale lagu dalbanayay in Ikraan Tahliil hesho cadaalad.

Dhalinyarada banaan baxa dhigayay ayaa galabta isku balansaday baraha bulshada in ay isugu yimaadaan Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho si ay u muujiyeen in ay taageersan yihiin Go’aankii Rooble iyo in cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Ciidamada booliiska Haramcad oo soo gaaray goobta banaan baxa ka dhigayeen dhalinyarada ayaa rasaas ku kala eryay dhalinyaradii banaan baxa dhigeysay iyagoona halkaasi ka xiray qaar kamid ah dhalinyarada banaan baxa abaabushay.

Inta badan dhalinayaradii banaan  baxa dhigayay ayaa goobta isaga cararay kadib markii ciidamada rasaas ku fureen ayna bilaabeen in ay xir xiraan, waxaana banaan baxa noqday mid aan u qabsoomin sidii loo qorsheeyay.

Ciidamada Haramcad ayaa caawa lasoo dhoobay laamiga Maka Al Mukarama kuwaa oo amaanka xaqiijinayay sidoo kale kahor tagayay banaan baxa, waxa ayna talaabadan ciidamada qaadeen imaaneysaa xili Rooble la kulmay taliyaasha ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -