Somaliland oo xirtay haweeney dalbatay iney dhexmarto Suuqa iyadoo qaawan

Haweeney xukuumada Somaliland ka dalbatay inay samayso xeer fasaxaya in dumarku ay suuqa qaawani ku dhexmaraan ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo aan magaceeda la shaacin balse Facebook ku soo gasha magaca (Bullo Qareen Hayaama) ayaa xili ay barmaamij dood ka qayb galaysay dalbatay in la sameeyo xeer fasaxaya inay qaawani suuqa ku mari karto

“Nigis iyo kiishali haddaan Hargaysa ku maro waa inaan helaa xeer ilaalinaya nabad galyadayda” ayey tiri haweeneydan oo hadalkeeda ku taageereysay haweeney kale oo dhowaan ay xireen Booliska Hargeysa ka dib markii ay hargeysa dhexmartay iyadoo lebisan Surwaal iyo shaar

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Cabdirisaaq Xuseen Cali ayaa xaqiijiyay in booliisku ay xabsiga u taxaabeen gabadha isla markaana ay baaris socoto.

“Arrinta laamaha amniga ayaa ka howlgalay, qofku marka uu sameeyo wax anshaxa aan waafaqsanayn waxa la rabaa in cidii u xilsaarnayd ay ka howlgasho waana laga howlgalay, lamaaha amniguna gacanta ayay ku dhigeen, baadhitaana way wadaan” ayuu yidhi wasiirka oo ka digay ficilada anshaxa baal marsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -