Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

IIkraan tahliil Hooyadeed oo si kulul u beenisay Warbixinta ka soo baxday heyadda NISA

Qaali Max’uud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda War ay soo saartay NISA oo sheegaya in Al-Shabaab afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen.

NISA ma aysan faahfaahin qaabka ay Ikraan ugu gacan gashay Al-shabaab iyo xogta ku gedaaman dilkeeda.

Hase yeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay ku raad tiraneyso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona “Gabadheyda haddii la dilay NISA ayaa dishay” ayey tiri

Hadalka ay NISA ku sheegtay in Al-shabaab ay dileen ka dibna afduubteen Ikraan ayaa qabsaday baraha bulshada, iyadoo dadka intiisa badan uu ka daadegi waayey, waxaana arrintan si caro leh uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka oo taliyaha NISA ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyey dilka gabadhaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/pe2QxGlMwgE

Related posts

Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis Iskaashi (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu yahay ujeedka safarka Rooble ku tagayo Magaalada Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga HOP#140 oo caawa la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---