Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo kormeeray Xarumaha muhiimka ah ee Xukuumada qaarkood

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Rooble ayaa u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda labadan hey’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.

Waxay faahfaahin ka siiyeen nidaamka Maamulka maaliyadda dalka xilligan kala guurka ah ee dalku doorashada ku jiro iyo sidii looga hortegi lahaa musuqa iyo wax isdaba marinta.

Rooble ayaa faray madaxda xarumaha uu kormeeray iney si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran hantida Qaranka, kuna dedaalaan ka hortaga wax kasta wax u dhimi kara shaqadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya Xaalado kusoo kordhay Soomaaliya

Cabdi Cade

Axmed Karaash oo mar kale ka hor yimid Wasiiradii uu magacaabay Deni (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Qado sharaf u sameeyay Wasiirka Difaaca Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---