Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Cali dheere oo digniin culus u diray dadka ku howlan doorashada Somalia

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa digniin culus siiyey dhammaan dadka ku howlan Doorashada Dadban ee dowladda Somalia.

Shiikh Cali Dheere oo soo diray Farriin ay baahiyeen Warbaahinta Al-Shabaab ayuu uga hadlay 4 qodob, isagoo faahfaahin ka biiyey Ujeedka Al-shabaab u dagaalameyso, danaha dalalka Beesha caalamka ka leeyihiin Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay la doodaan haddii ay jiraan culimo dood ka qabta manhajkooda iyo sida ay ku socdaan inuusan saxneyn, ayna ku kala baxayaan diinta islaamka.

“Waxaan dadka uga digaynaa inay safka Gaallada taageeraan, waxaan si gaara uga digeynaa dadka qandaraasyada ka qaata Gaallada, waxaan ka digeynaa in lagu lug yeesho Doorashada Murtadiinta, ciddii ku lug yeelata waxay gashay safka caddowga, wixii soo gaarana iyadaa kasbatay” ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Wuxuu  si toos ugu digay Odayaasha dhaqanka, isagoo u sheegay inay mari doonaan wadaddii odayaashii hore ee sida uu yiri Seefta Alshabaab ku baxay.

“Odayaasha beelaha waxaan uga digeynaa shirqoolka loo maleegay in aysan ku dhicin, iyagoo fiirsanaya sandareerada yar ee la siinayo, aan idin weydiiyee kuwii idinka horeeyey maxay ku tartay dowladii ay soo dhiseen, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar meel ay ku noolaadaan weysan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow 3 Qodob oo Soomaaliya ka Caawin Kara ku Guulaysiga Dacwadda Badda

Cabdi Cade

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada..

Caydiid Ali