Sawirro: Mareykanka qorshe Cajiib ah u degay Taalibaan ugana tagay Diyaarado iyo Baabuur aan…

Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa dalka Afganistan ayaa gabi ahaan dalkaasi isaga baxay kadib mudo 20-sano ay ku sugnaayeen, waxaana Mareykanka meeshii ugu dambeesay ay ka baxeen maalin kahor aheyd garoonka diyaaradaha Kabul.

Mareykanka ayaa uga tagay gudaha garoonka Kabul Diyaarado Dagaal, Baabuur nuucyo qaali ah iyo gantaalo, waxaana dhamaan la wareegay oo gacanta ku dhigay agabkaasi Mareykanka ka tageen dagaalyahanada kooxda Taalibaan.

Taalibaan ayaa markii ay la wareegeen diyaaradaha, gaadiidka iyo agabka kale ee Mareykanka ka tageen ogaaday in ay yihiin kuwa aan la isticmaali karin oo Mareykanka qorsheeyeen in aan dib dambe loo isticmaalin.

Mareykanka ayaa garoonka Kabul uga tagay  Diyaarado gaaraya 73- ay ku jiraan kuwa qumaatiga u kaca ee MD-530, A-29  iyo kuwa kale oo casri ah oo loo adeegsado sahanka, weerarada iyo daabulida ciidamada.

Waxa ay sidoo kale Mareykanka gudaha garoonka uga tageen ilaa 70-baabuur oo nuuca qaaliga ah ee lagu baaro miinooyinka iyo kuwa kale ay adeegsan jireen ciidamada iyo sidoo kale gantaaladada difaaca.

Madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha,baabuurta iyo agabka kale ay uga tageen Afganistan  laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin oo Mareykanka ciladeeyeen qaarkood naagabyo muhiim ah kala baxeen.

Saraakiil katirsan kooxda Taalibaan ayaa sheegay in Mareykanka qiyaano ku sameeyeen ayna uga tageen diyaarado gudaha Afganistan, diyaarado, baabuur iyo qalab kale aan shaqeeneyn.

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa horey gacanta ugu dhigay diyaarado casri ah, hub nuucyo kala duwan iyo gaadiidka Mareykanka ciidankooda isticmaalaan kuwaa oo horey loo siiyay ciidanka Afganistan balse Taalibaan si fudud kula wareegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -