Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Dubbe oo hakiyey go’aan Maqaahida Tiyaatarka looga kireeyey Shirkad ganacsi

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Somalia Cismaan Dubbe ayaa hakiyey iyo dib u hawl-gelinta maqaahida Tiyaatarka oo laga kireeyey shirkad ganacsi ka dib amar ka soo baxay Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay arrintaas ka keeneen cabasho.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu yiri wasiirka oo war-saxaafadeed soo saaray.

Fanaaniin iyo abwaano maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeestay talaabada uu Wasiir Dubbe ku saxiixay qoraal shirkad ganacsi looga kireeyey maqaayada tiyaatarka Qaranka muddo 20 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Deni oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madaafiicdii saaka lagu weeraray xerada Xalane

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka milatariga Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha howlgalka EUTM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---