Faahfaahin: Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo dil ka geystay Garoowe

Askar ka tirsan ciidamada amaanka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ku toogtay wiil dhalinyaro ah  ka mid ah dhalinta Mooto Bajaajta ku shaqeysata.

Cabdikariin Xuseen Mire ayaa waxaa dilkiisu ka dhacay wadada Soddonka ee magaalada Garowe xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isla goobta lagu dilay siuda ay sheegee dad goob joogayaal ah, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa dilkan oo noociisa aan looga baran magaalada Garoowe.

Askarta dilka gaystay oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Hase ahaatee saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay dilkaas in loo qabtay labo askari, ayna wadaan baaritaan.

Ciidamada Puntland oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan dadka rayidka ah ayaa marar badan dhibaato u geysta shacab aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -