CIA-da Maraykanka oo burburisay Saldhigii u dambeeyey ee ay ku lahaayeen Kabul

Milliteriga Maraykanka waxay burburiyeen Saldhigii u dambeeyey ee ay Hay’adda Sirdoonka ee CIA ku lahaayeen duleedka Garoonka Kabul, si aysan Daalibaan ula wareegeen Dhismahaasi.
 
Saldhigaasi oo lagu magacaabo Eagle Base waxaa lagu burburiyey Miinooyinka qarxintooda la maamulo (A controlled detonation).
 
Saldhigaasi oo furnaan 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa adeegdan jirey Tababarka Ciiddanka Afganistan ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
 
Saraakiisha Hay’adda CIA-da wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Burburintaa Saldhiga Eagle Base.
 
Balse Warar ayaa sheegayo in looga dan lahaa si loo burburiyo Qalabka iyo Dukumentiyada yaallay Dhismaha Saldhigaasi oo dhulka lala ismay Khamiistii la soo dhaafay.
 
Jimcihii la soo dhaafay, Qaraxyo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof oo 13 ka mid Askar Maraykan ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -