Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Ukrine oo difaacyo ka galay bartamaha caasimada Kyiv (Daawo Sawirro)

Dagaal culus ayaa ka socda Xaafadaha Abolon ee caasimadda Kiev, kadib markii ay halkaasi qabsadeen Gawaarida Gaashaaman ee Ciidamada Ruushka ee halkaas weeraray.

Ciidamada Ruushka ee maanta soo gaaray magaalada Kyiv, ayaa la sheegay inay adeegsanayaan ciidamo hordhac ah, ayna magaalada soo geiyeen sirdoon kala duwan

Sida uu sheegay Anton Herashchenko oo ah la-taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Ciidamada Ruushka ayaa ka dagaalamaya duleedka Magaalada iyo qeybo ka mida gudaha magaalada.

Qaraxyo ayaa si isdaba joog ah looga maqlayaa caasimadda Kiev ee dalka Ukraine, waxaana magaalada ay qarka u saaran tahay inay qabsadaan ciidamada Ruushka oo marka hore go’doomin ku sameynaya.

Sirdoonka Maraykanku ayaa laga soo xigtay in qorshaha uu yahay in ciidamada gaarka ah ee Ruushka ay gudaha u soo galaan, ayna la wareegaan garoomada.

Xaalada ayaa cakiran, iyadoo Madaxweynaha dalka Ukrine uu weli u sugan yahay magaalada caasimada ah isagoo wacad ku maray inuusan ka carareynin ciidamada Ruushka uuna dagaalamayo ilaa daqiiqaaha ugu dambeeya noloshiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Goob Xaflad aroos ka socotay oo mar qura isku bedeshay dhiig iyo Murugo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cusman Abukar: “Haddii annagu aan is xalin waynay in nala xaliyo maxaa diidaya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---