Qeybtii ugu horeesay Qaxooti reer Afgaanistan ah oo laga dejiyay dalka Uganda

Waxaa saakay oo arbaco ah garoonka Diyaaradaha ee Entebbe ee magaalada Kampala ka degtay Diyaarad waday qaxooti reer Afganistan ah oo kasoo cararay kooxda Taliban ee la wareegtay dalkaasi.

Dufcadii ugu horeesay qaxooti reer Afganistan ah oo gaaraya 51-ruux ayaa saakay laga dejiyay dalka Uganda, waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo aadan dalkaasi gaaraan qaxooti kale oo reer Afganistan.

Dowlada Mareykanka ayaa ka codsadatay dalka Uganda in si KMG ah u qaabisho uguna noolaadaan dalkeeda 2,000 oo qaxooti Reer Afganistan oo laga soo daadgureeyay magaalada Kabul ay la wareegeen kooxda Taliban.

Uganda ayaa  sheegtay in saakay dalkooda kusoo dhaweeyeen qeybtii ugu horeesay qaxooti reer Afganistan ah oo isugu jira haween, caruur iyo rag, waxaana qaxootigan dalkaasi ugu sii noolaan doonaan si KMG ah iyadoona Mareykanka caawinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -