Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Guddoomiye Baarliin Xaaji Buulle oo lagu dilay qarax loogu aasay hoygeeda afaafkiisa

Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay qarax saaka ka dhacay degmada Diinsoor sida wararku nagu soo gaarayaan.

Qaraxa ay ku geeriyootay Marxuumad Baarliin Xaaji Buulle ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino loogu aasay afaafka hore ee hoygeeda oo ku yaalla degmada Diinsoor.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen 3 caruur ah oo ka tirsanaa qoyskeeda kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka degmadaas.

Marxuumad Baarliin Xaaji Buulle ayaa aheyd haweeney caan ah oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon degmda Diinsoor, iyadoo ka dhex muuqatay howlaha maamulka degmadaas gaar ahaan abaabulka haweenka.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo sidan oo kale horey dad badan ugu laayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka oo amar siiyay maamulka Bangiga dhexe

Cabdi Cade

Shabakad argagaxiso oo ajaaniib ku jiraan oo lagu xir xiray Boosaaso

Cabdi Cade

Gobol dhan oo dadka kunool lagu soo rogay Bandow kaddib bililiqo dadkiisa geesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---