Axmed Samow iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo Xabsiga la dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Dambi baarista ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin katirsanĀ Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho , kuwaa oo lagu eedeeyay Musuq maasuq.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada Dambi baarista CID-da ayaa xabsi dhigay lix xubnood oo kamid ah Kastamka Canshuuraha Muqdisho, waxaana dadka la xiray ku jiraĀ Maamulihii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow iyo kuxigeenadiisa.

Ciidamada Dambi baarista ayaa saacado badan baadi goobayay Axmed Samow oo la la’aa ,hasa ahaatee wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Samow uu markii dambe isku dhiibay ciidamada Dambi baarista.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Dambi baarista ay saacado badan joojiyeen shaqadii kasocotay kastamka Canshuuraha Dekadda Muqdisho, waxa ayna ciidamada baaritaano ku sameeyeenĀ xafiiska kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho.

Masuuliyiintan la xiray ayaa lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen Musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana maalmihii lasoo dhaafay si gaar ah udaba socday Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka.

Dowlada Soomaaliya ayaa bilowday dagaal xoogan oo lagula dagaalamayo musuq maasuqa, waxaana dhawaan siyaabo kala duwan loo xiray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada oo loo heesto Musuq maasuq.

- Advertisement -