Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taliban oo sheegtay in ciidankeeda ku hareereysan yihiin kooxda Ahmed Massoud

Taalibaan ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen.

Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka.

“Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen.

“Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Taalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo aysan kooxda gacanta ku hayn, halka madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Afghanistan uu sheegay in weli ay haystaan aagaggooda.

Baraha bulshada ee kooxda iska caabinta ayaa beeniyey warar sheegayey in la durjiyey, waxayna sheegeen in dagaal-yahanadooda ay weerar jidgal ah la heleen Taalibaan.

Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaaraya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Sawirro ay qaaday AFP ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya.

Nazary ayaa sheegay in kooxdooda ay dooneyso inay riixaan in Afghanistan laga hirgeliyo nidaam cusub oo dowladeed, balse ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto.

“Ciidamada dowladda oo ka kala yimid gobolo kala duwan ayaa soo gaaray Panjshir,” ayuu Ahmed Massoud u sheegay warbaahinta Al-Arabiya ee Sacuudiga.

“Taalibaan ma daahi doonto, haddii ay waddadan kusii socoto. Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Afghanistan, waxaana ka digeynaa dhiig daata.”

XIGASHO: AFP/VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Ahmed oo hal arrin ku amaanay shacabka degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo soo bandhigtay Diyaarad cabsi badan ku beertay Reer Galbeedka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Mareykanka iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---