Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Mareykanka iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkiisa

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo aadan u duulaya magaalada Washignton ee caasimada dalka Mareykanka.

Sida aan Wararka ku helnay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya shirweyne uu soo qaban qaabiyay bangiga aduunka oo la filayo in uu furmo 5-ta bishan marso uuna socdo ilaa 7-da marso.

Shirkan ayaana looga hadli doonaa arimo kala duwan ay kamid tahay maareynta dhibaatooyinka nabadgelyo iyo xasilooni ee ka jira caalamka iyo sidii dhibaatooyinkaasi looga gudbi lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in shirkan ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo arimaha Soomaaliya ka taagan gaar ahaan amaanka iyo arimo kale oo khuseeya xaalada dalka.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ugu ambo baxayo dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shalay uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar dhoor maalin qaatay uu ku joogay dalka Imaaraatka Carabta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta

Cabdi Cade

Dhaqtar Ajanbi ah oo ku xad gudbay Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka cararay

Cabdi Cade

Shil fool xun oo ka dhacay Muqdisho iyo dad badan ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---