Daalibaan oo Waqti kama Dambeys ah u qabatay Ciidamada Mareykanka ee Kabul jooga

Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afganistan gaar ahaan garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai waxaa jooga ciidamo badan oo ka socda dowlada Mareykanka kuwaa oo gacan ka geesanaya daad gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka la shaqeenayay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa horey u sheegay in ciidamada Mareykanka Kabul ka bixi doonaan 31-ka bisha Agoosto inta ka horeesa ay ka shaqeyn  doonaan daad gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo xulufadooda.

Afhayeenka Ururka Daalibaan Sohail Shaheen ayaa shaaciyey inaysan oggolaan doonin inay Ciiddanka Maraykanka sii joogaan gudaha dalka Afganistan waxii ka dambeeya marka la gaaro 31-ka bishan Agoosto.

Waxa uu shaaciyey afhayeenka Daalibaan inay xaalladu Isbedeli doonto, haddii ay Milliteriga Maraykanka ku sii nagaadaan gudaha Afganistan marka la gaaro xilligii lagu heshiiyey ee bixitaankooda.

Daalibaan digniintan cusub ay soo saareen ayaa kusoo aadeysa xili mar kale Madaxweyne Joe Biden sheegay inay Ciidankiisa sii joogi doonaan Kabul ilaa laga dhamaystirayo Hawlaha daad-gureynta ee ay ka wadaan Garoonka Diyaaradaha ee Kabul.

Garoonka diyaaradaha Kabul ay joogaan ciidamo Mareykan iyo kuwa kale oo shisheeye ayaa saakay waxaa ka dhacay dagaal dhaliyay khasaaro dhimasho kadib markii koox hubeesan weerar ku qaadeen qeyb kamid ah garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -