Diyaaradaha Reer Galbeedka oo halis ku wajahayso garoonka Kabul iyo Diyaarad Milataro oo…

Isbedel ayaa ku yimid Duullimaadyada Diyaaradaha kadib, Digniintii Daacish iyo weerarkii Aroornimadii saakayto lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul.

Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Faransiiska leeyihiin oo saakayto ka duushay Garoonka Kabul ayaa waxay Hawada ku sayrisay Balloonada Gubanaya, kaasi oo loogu talagalay Is-difaaca looga hortago Gantaallada lagu soo liishaamo Diyaaradaha.

Dhowr Diyaaradaha Milliteriga Reer Galbeedka oo Maanta ka kacay ama ka degay Garoonka Kabul ayaa adeegsaday Taatikada Ballooniska ololayo ee dhalaaliya Gantaallada Lidka Diyaaradaha.

Sawirka Diyaaradda saaran Wejiga Warbixintan waxaa iska leh Ciiddanka Cirka ee Faransiiska, nooceedana waa A 400 M, waxayna sayrinaysaa Balooniska difaaca Gantaallada, xilli ay ka kacday Garoonka Kabul.

Kooxda Daacish ayaa horey ugu hanjabtay inay beegsan doonaan dadka ku jira Xayndaabka Garoonka Kabul iyo Diyaaradaha Milliteriga Reer Galbeedka ee adeegsada Garoonkaas

Dagaalamayaasha Daacish iyo kuwa Daalibaan oo kala mabda’ ah waxay si kala gaar ah uga hawlgalaan magaalladda Kabul iyo Guud ahaan dalka Afganistan.

W/Q Ustaad Nuuradiin

- Advertisement -