Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo qiratay in ciidankooda ka dambeeyeen dadkii lagu laayay Golweyn

Taliska ciidamada AMISOM ayaa qirtay ciidankooda gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ka dambeeyeen dil dad shacab ah loogu geestay duleedka deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in baaritaano horu dhac ah ay sameeyeen ku ogaadeen in ciidankooda ka dambeeyeen dadka shacabka ah ee lagu laayay deegaanka Golweyn taariikhdu marka ay aheyd 10kii bishan Agoosto.

AMISOM ayaa  sheegtay in ay ka go’aan tahay in baaritaan dhab ah ku sameyso kiiskaas, ayna soo geba-gabeyn doonaan kiiskaan  lixda bish September ee soo socota, waxa balan qaadeen in talaabo adag laga qaadi doono askartii falkaasi ka dambeesay.

”Anagoo daba socona Bayaankii ay AMISOM sooo saartay Ogosto 11, 2021, ee ku saabsanaa dhacdadii ka dhacday Golweyn, halkaas oo ay ciidamada AMISOM ku weerareen xubno ka tirsan Al -Shabaab iyagoo ku jiray roondo joogto ah, baaritaanno horudhac ah ayaa lagu ogaaday in toddobada qof ee la dilay aysan ka tirsanayn Al –Shabaab ayaa  lagu yiri” Qoraalka AMISOM.

Qoraalka AMISOM kasoo baxay ayaa lagu cadeeeyay  in ay u hoggaansami doonaan natiijada baaritaanka haatan socda kasoo baxa isla markaana lala xisaabtami doono askarta ay ku caddaato dilka dadkaasi rayidka ah.

Warkan qirashada ah ee kasoo baxay AMISOM ayaa kusoo aadaya xili Ra’isul Wasaare Rooble shalay guddi wasiiro ah u saaray baaritaanka kiiskan ciidamada AMISOM dadka rayidka ah ku laayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Madaxweyne Cirro oo tagay taliska ciidanka Asluubta ballana ka qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Muqdisho: Cidna uma maqna, ceelna uma qodna

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabelle oo arrimo muhiim ah kala hadlay Goerge Conway iyo xubno kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---