Axmed Madoobe: “Ciidamada DF waxay boob ku hayaan shacabka gobolka Gedo”

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubaland kaasoo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jubaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan Ciidamada ay geeysay Dowlada Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida Maamulka Degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -