Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Taliban oo bilowday wadatashiga dhismaha dowlad cusub oo Islaami ah

Mid ka mid ah Aasaasayaasha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku-xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.

Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taliban ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyaha dowlad ay soo dhisi doonaan Taliban.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai iyo guddoomiyaha golaha sare ee dib-u-heshiisiinta Qaranka Abdullah Abdullah, oo isbahaysi la ah madaxweynaha is-musaafuriyay ee Ashraf Ghani, ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay la kulantay hoggaamiyeyaasha Taliban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo War Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Cabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in gaadiidka maraan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---