Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Kooxda Daalibaan oo soo saaray Amar cusub iyo dad badan oo soo dhaweeyay

Hoggaaamiyaha Daalibaan, Hibatullaahi Akhundzada waxa uu amar ku bixiyey in la sii wada daayo dhamaan Siyaasiyiinta ee ku xiran Xabsiyada dalkaasi.

Qoraal uu Afhayeenka Daalibaan, Qaari Yuusf Axmedi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey Amarka uu Hoggaamiyahooda ku bixiyey in la sii daayo Siyasiyiinta xiran, iyadoo Guddoomiyayaasha Goballadda la amray inay si shuuud la’aan ah u sii daayaan Maxabiista Siyaasadda ee darajadahoose iyo Xilalka sare hayey.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Maxaabiista la sii daynayo lagu wareejiyo Qoysaskooda maalinta berrito ee Jimcaha ah.

Amarkan cusub uu soo saaray Hogaamiyaga Daalibaan ayaa waxaa ku farxay soona dhaweeyay ehelasa qaar maxaabiista xabsiyada ku jira gaar ahaan kuwa siyaasada u xiran.

Maleeshiyada Daalibaan waxay bishan 15-dii gudaha u galeen caasimadda dalkaasi ee Kabul, taasi oo soo dedejisay Burburka Dowladdii ay Maraykanka taageerayeen.

Related posts

Ciyaartii finalka ee xulalka Galmudug iyo Hirshabelle oo dib loo dhigay (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Iran oo ka hadashay caqabadaha hortaagan iney la heshiiso Sacuudiga

Caydiid Ali

Israel oo qiratay in askar 70 kun ka badan ay kaga naafoobeen dagaalka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---