Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal caan ah iyo askar lagu dilay Weerar ka dhacay degaan ka tirsan Mudug

Wararka laga helayo deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degaanka.

Dadka deegaanka qaarkod ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid ka dib markii Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen deegaanka

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, iyagoo intaas ku daray iney weli degaanka gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu sababay khasaare nafeed, waxaana ilo-wareedyo kala duwan ay sheegeen inay ku dhinteen shan askari, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in dagaalka uu ku dhintay Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Safaarada Ruushka ku leedahay Kabul

Cabdi Cade

Xaflada Dhalashada Boqorada UK oo Muqdisho lagu qabtay iyo R/W Kheyre oo ka qeyb galay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---