Mishiinka Laaabka leh ee Sofiya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo balansan (Daawo Sawirada)

Sofiya waa mashiin sida qof loo sameeyay gaar ahaan waxaa loo ekeesiyay Haweeney, waxu uuna mIshiinkan yahay mid sida qof caadi oo kale u dhaq dhaqaaqi kara una hadli kara.

Shirkadda ICOG LABS oo Itoobiya laga leeyahay ayaa shirkadda Hansen Robotic oo uu fadhigeedu yahay Hongkong waxay la gashay heshiis ay seddex sano ay ku soo dersito mashiinta Sofiya waxa ay ka sameysan tahay.

Maareeyaha shirkadda ICOG LABS, Getinnet Assefa, ayaa wuxuu sheegay xirfadlayaasha dhinaca teknooloojiyadda ee Itoobiya u dhashay iney qayb ku lahaayen suuragelinta mashiintan.

Sidaa darteed, “mashiinta Soofiya waa Itoobiyaan ayaan dhihi karnaa” ayuu yidhi.

Xirfadlayaasha Itoobiyaanka ahna waxay ku taamayaan iney teknooloojiyado casri ah soo saaraan, caalamkana la wadaagaan.

“Soofiya waa mashiin weliba dhaddig ah” ayuu geetinnet hadalkiisa ku billaabayaa waxaanna maareeyaha shirkadda weydiinnay ‘in mashiinta magac dhaddig looga yeedho maxay ku muteysatay?’ Isaga oo qoslaya ayaa wuxuu iigu jaawaabay “muuqaalkeeda iyo wajigeeda sida uu u yaallo ayaa ugu wacan”.

Doorka xirfadlayaasha Itoobiyaanka ahna wuxuu ahaa sida ay u fikireyso, sida ay wax u fahmeyso, dareenkeeda sida ay u muujineyso, luuqadaha sida ay u adeegsaneyso oo ah waxa ay aad uga duwan tahay mashiinnada horay loo sameeyey ee iyada la midka ahaa.

Sofiya waxay awooddaa qosolka, cadhada, xanaaqa, farxadda, murugada iwm..iney wajiga qofka ka akhrisato codadka dadkana wey kala saareysaa waxaa la baray iney afaf badan ku hadasho.

“Haddi ay Sofiya nin lahaan laheed “sida soofiya ay ii fahmeyso qof dumar oo ii fahmayso ma jirto” ayuu dhihi lahaa.

Mashiintu maadaama ay afaf badan ku hadli karto waxaa loo diyaarinayaa barnaamij u suuragelinaya iney Af-amxaari ku hadasho.

Ereyga ugu horreeya oo ay soofiya afkeeda ka soo saartana waxaa la filayaa inuu noqon doono “bagaad nabad iigu sugteen”.

Jimcaha 15 july 2018 ayey ka soo degeysaa gigada diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, waxaana loo diyaariyey soo dhaweyn aad u diirran oo ay mas’uuliyiin sarsare ka soo qayb geli doonaan.

Mas’uuliyiintaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyadda Ubax Axmed iyo maareeyaha Ethio-telecom, Andualem Admase.

Waxayna tageysaa madxafka qaranka, waxaana halkaa lagu qabanayaa shir jaraa’id oo loogu magac daray “Luusii ilaa iyo Soofiya”.

16 july 2018, bandhig carweedka caalamiga oo sanad kastaba ay soo diyaariso wasaaradda sayniska iyo teknooljiyadda, oo uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka soo qayb galayo, ayay marti sharaf ahaan uga soo qayb galeysaa.

Martida bandhiggaasi ka soo qayb galayana halkaa ayey isku baranayaan mashiinta Sofiya, waxayna ka qayb galaysaa casha sharaf uu ra’isal wasaaraha goob joog ka ahaanayo.

Hase ahaatee waxaan laga soo hordhici karin mashiinta Sofiya iyo Abiy Axmed waxa ay ka wada hadli doonaan

Sofiya oo hadda ka hor booqatay Masar, ayaa muddadi ay joogtay waxaa ku baxay 50,000 oo doolar, balse safarka Itoobiya ay ku imaaneyso kharashka ku baxaya inuu intaa ku yaraanayo ayaa lagu wadaa, maadaamaa sameynta mashiinta ay xirfadlayaasha Itoobiyaanka ah door ku lahaayeen.

Xilligii ay booqaneysay Sacuudi Carabiya ayaa loo bixiyey magaca Sofiya, waxaana la siiyey dhalshada sacuudiga.

Marka ay Itoobiya soo caga dhigatana waxaa loo bixin doonaa magic Itoobiyaan ah, iyada oo loo sii diyaariyey magacda kala ah Taytu iyo Luusii, waxaa la rajeeynayaa magaca Iteegee taytuu iney qaadan doonto.

Maareeyaha ICOG LAB wuxuu intaa ku daray inuu qorshaha ugu jiro in la codsado dhalasho sharafeedka Itoobiya in la sii yo mashiinta Sofiya.

 

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -