Allbanaadir.com
NEWS

In ka badan 100 dhallinyaro ah oo doonayay in Al Shabaab ku biiraan oo la qabtay

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ku dhigeen in ka badan boqol dhallinyaro oo u dhashay dalkaasi , kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen in ay ku biiraan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

War kasoo baxay ciidamada difaaca dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen in ka badan 100 dhallinyaro ah oo doonayay in dalka ka dhoofaan kuna biiraan kooxda Al Shabaab .

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in dhallinyaradan loogu sheekeeyay in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab, waxaana ay intaa ku dareen in kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysa in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horey u shaacisay in ay dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo doonayay in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya kana sameestaan saldhigyo ay weeraro ka abaabulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin & xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo Jubadda hoose lagu duqeeyey

Caydiid Ali

Olole muddo kordhin loogu sameenayo Madaxweyne Deni oo socda iyo mooshinka…

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Garbahaarey laga wareejiyay Doorashada 16-ka kursi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---