Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo saaka ka dhacay duleedka Kismaayo

Qarax loo adeegsaday miino wadada lagu aasay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose

Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu qabsaday mid ka mid ah laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la geeyay Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taasoo an wax khasaaro ah geysan, waxaana saraakiil ka tirsan Cidiamada Jubbaland ay sheegeen in ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Beerxaani, ayna ka saareen  miinooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in qorshe kale daba socdo Dagaalka ka dhanka Al Shabaab

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Dhuusamareeb, labo qodobna balan-qaaday

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Waare oo Beledweyne Ku Qaabilayay Wafdi Ka Socday Midowga Africa

Cabdi Cade