Lix Senator oo horey loo sii ogaa oo goordhaw kusoo baxay Doorashadii Galmudug

Waxaa goordhaw lasoo gaba gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug ku dooranayeen Senatarada Aqalka Sare ku matalaya afarta sano ee soo socota dowlad goboleedka Galmudug.

Doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo natiijadeeda horey loo sii ogaa ayaa waxaa kusoo baxay lix Senator oo si gaar ah usoo xushay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Lixda Senator ee ee Galmudug ku matalaya Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhamanatood soo baxay bilaa doorasho, waxaana dhamaan u tanaasulay musharaxiintii la tartameysay oo horey malxiis ahaan usoo qorteen musharaxiinta tanaasushay.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa durba ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada Aqalka Hoose oo dhawaan iyana dalka ka bilaabaneyso sidaan oo kale u dhacdo.

Halkan ka Akhriso Magacyada Lixda Senator ee lasoo doortay bilaa tartan

1- Cabdi Axmed Dhuxulow
2- Yuusuf Geelle Ugaas
3-Saciid Siyaad Shirwac
4-Samsam Daahir Maxamuud
5-Cabdixakiim Macallin Axmed
6-Duniyo Maxamed Cali

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -