Sii Akhriso Magacyada Lixda Senator ee maanta lagu dooran doono Dhuusomareeb

Waxaa goordhaw la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug si rasmi ah uga bilaabato doorashada lix Senator oo Galmudug uga mid noqonayo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan kamid noqoshada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanaka federaalka aya ahada khudbad u jeedinaya Xildhibaanada Galmudug iyagoona ka codsanaya in codkooda siiyaan.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb ayaa ah mid aan xiiso badan laheyn oo lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa doorashada , waxaana tartamaya musharaxiin la wato iyo xubno la sheegay in ay malxiis u yihiin.

Musharaxiintan la filayo in dib loo soo doorto maanta ayaa isugu jira sadex Senetor oo horey uga tirsanaa Aqalka Sare ee waqtigiisu dhamaaday iyo sidoo kale labo Xildhibaan kale oo horey uga tirsanaa Aqalka Hoose ee Baarlamanaka federaalka.

Halkan ka Akhriso Magacyada Lixda Senator ee la filayo in maanta lagu soo doorto Dhuusomareeb

1- Cabdi Axmed Dhuxulow
2- Yuusuf Geelle Ugaas
3-Saciid Siyaad Shirwac
4-Samsam Daahir Maxamuud
5-Cabdixakiim Macallin Axmed
6-Duniyo Maxamed Cali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -