Abiy Ahmed oo shacabka Itoobiya u diray qeylo dhaan ku aadan dagaalka TPLF

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka ay suurtagalka tahay inay kusoo biiraan ciidamada si loola dagallamo fallaagada Tigray ee isku ballaarineysa gudaha dalkaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay dagaallada ka socda Tigray, ku dhawaad 400, 000 qof oo ku nool gobolka ayaa wajahaya macluul.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dhammaan shacabka Itoobiyaanka ee awoodda leh inay muujiyaan jaceylka ay u qabaan dalkooda isla markaana ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Dowladda ayaa xabad joojin kaga dhawaaqday gobolka Tigray, markii dambe ciidamada fallaagada Tigray waxay la wareegeen degaanno dhowr ah oo ay ka mid tahay caasimadda Mekelle.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa ku sii fidaya gobolada Amxaarada iyo Cafarta, dagaalkaasoo dhaliyey in kumanaan qof ay dhintaan sideed bilood gudahood isla markaana sababay in boqolaal kun ay ku barakacaan sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -