Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus oo gaadmo ah maanta barqadii ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa xili ay marayeen wado u dhaxeysa deegaanada Danow iyo Golweyn lala beegsaday qarax miino oo hareeraha wadada la dhigay, waxaana qaraxa kadib ciidamada AMISOM weerar ku qaaday dagaalyahano u sii diyaarsanaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax culus iyo rasaas ay is dhaafsadeen ciidamada AMISOM iyo dagaalyahanada Al Shabaab,waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro labada dhinac soo gaaray iyo dad shacab ah.

Guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Uganda iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay dileen ugu yaraan lix ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa adhankeeda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen ciidamada AMISOM ku gubeen gaari taw ah, waxa ay sidoo kale xuseen in weerarkaasi AMISOM ku gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Taliska AMISOM ayaan wali war kasoo saarin weerarkan lala beegsaday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, lamana oga ilaa hada khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -