RW Rooble oo Imaam Max’ed Yuusuf ka raaliyey falkii shalay lagula kacay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday Imaan Maxamed Yuusuf, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaariga imaamka iyo duubab dhaqan oo la socday.

Rooble ayaa raali gelin bixiyey falkaas, isagoo xusay in laamaha amaanka DF ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo dembi lagu helo.

Imaan Maxamed Yuusuf oo isna ka hadlay kaulankaas ayaa sheegay inuu aqbalay raali gelinta RW Rooble, isagoo uga mahad celiyey booqashada uu ugu yimid, wuxuuna xusay in hadii ay yhiin duubabka dhaqanka ay u taagan yihiin ilaalinta iyo ska shaqeynta Nabada.

Shalay ayey aheyd markii gaadiid uu la socday Imaamka iyo odayaal kale ay ciidamo ka tirsan asluubta ku rasaaseeyeen agagaarka maxkamada gobolka Banaadir, waxaana galkaas ku dhaawacay qaar ka mid ah duubabka iyo ilaalada la socotay imaamka, illaa haddana faahfaahin lagama bixin sida ay shaqaaqadaas u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -