(Sawirro) QM oo qeybtii ugu horeysay dhaqaalaha doorashada ku wareejisay DF

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Dollar) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka.

Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday sida ay sheegtay QM oo qoraal kooban soo saartay.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Mas’uuliyiinta dawladdu ma sheegin in dawladda Soomaaliya ay iyaduna saami lacageed ku biirinayso kharashka doorashada.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay $ 7.7 milyan oo doolar oo lagu taageerayo hannaanka geeddi -socodka doorashooyinka dadban, oo ay ku jiraan wacyigelinta dadweynaha, ku guuleysiga qoondada haweenka 30% , iyo hawlgallada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay QM.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhowaan ka bilaabatay waddanka, iyadoo la filayo inay dhammaan maamulladu soo gabagabeeyaan doorashada Aqalkaas oo ka kooban 54 kursi, iyadoo illaa hadda la doortay 9 kursi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -