Daawo Sawirada “Dabaaldegga Munaasabadda Ciidul fidriga & Sida looga Ciiday magaalada Vänersborg

Waxaa Maanta Dadweyne fara badan u dareeren goobo loo cayimay Dadka Muslimiinta ah ku soo tukadaan salaadii ciidul Fidriga,Ayaa waxaa soo xaadiray dad aad u faro badan oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada islaamka ah ee ku dhaqan magaalada Vänersborg ee dalka sweden.

Xarunta Islamiska kultur Center ee Vänersborg ayaa Waxa aye ugu baa qeen dhamaan Muslimiinta kunool Magalada Vänersborg in maanta oo jimco ah 1da bisha shawaa taasoo ku beegan 15ka jun ee 2018 ay tahay Ciidul Fidriga.

Dhalinyarada & Odayasha iyo Haweenka Caruurta magaalada ayaa intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan, Sidoo kale waxa isu xilqaamaya Förening ka mida kuwa ka jira magala vänersborg ayaa Salaadda kadib waxay caruurta u kaxeeyeen Goob loogu talagalay in Lagu ciyaarsiyo Caruurta si Caruurta loo dareensiiyo Qiimaha ay leedahay Munaasibada maalinta Ciidul Fidriga Maadaama caruurtaasi ay yihiin kuwo Aad u faraxasan.

Sidoo kale waxan Boqanay Goobo ganacsi oo ay ka mid tahaya Alnajax Food mar aan la kulmaya milkilaha Alnajax Food Mudane Abdulahi idoow waxa uu inoo sheegay in ay manta magaaladu si farxadi ay ku jirto loo ga ciiday magalada Vänersborg

FG, Sawirada Waxaa Magaalada Vänersborg Nooga soo diray Abuukar Maxamed Maxamuud (abukar Gaab) oo ah Wariye kamid ah bahada saxaafada somaliyed ee dagan magalada Vänersborg ee dalka sewen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -