Al-Shabaab oo saaka bartamaha degmada Jilib ku soo bandhigtay dhoolatus ciidan (Daawo Sawirro)

Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigtay saaka munaasabada ciida awgeed dhoolatus ciidan.

Subaxnimadii hore ee salaadda ciidda ka hor dadku waxay ku waabariisteen ciidamo aad u diyaarsan oo wata baabuurta dagaalka oo ku qulqulaya dhanka fagaaraha ciidda lagu tukado ee al-shabaab ay u yaqaanaan fagaaraha Macallin Aadan Xaashi.

Salaaddii ciidda waxa dadwaynaha tujiyay isla markaana khudbadda ciidda u akhriyay gudoomiyaha al-shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka Shiikh. Maxamed Abu Cabdalla.

Salaaddii kadibna dadka ayaa waxay daawanayeen ciidamada Al-shabaab oo iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka soo bandhigayay Gaardis iyo Anaashiid Sawaaxili iyo Soomaali isugu jirta, Waxaana ka dhex muuqday dagaalyahano Kenyan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -