Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

AMISOM oo lagu wareejiyey gaadiid loogu talo galay howlaha doorashooyinka (Sawirro)

Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la wareegay kow iyo toban gaari oo loogu talagalay in kor loogu qaado hawlgallka ku aaddan sugidda amniga doorashada dalka.Soomaaliya.

Deeqdaan gaadiidka ah oo isugu jira shan Gaari oo gaashaaman  iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka ah.waxaa  bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Baabuurtaan waxay inta badan ay taageeri doonaan Unugyada Booliska AMISOM ee la shaqeeya  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa gaadiidkaasi ku  wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa hormuud ka noqon doonta sugidda amniga doorashada, iyadoo booliiska AMISOM ay kaalin taageero ah ka qaadan doonaan , si loo hubiyo in geeddi -socodku yahay mid ammaan ah oo sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo loogu baaqay iney qaswade u aqoonsadaan Farmaajo

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada Galmudug oo War cusub ka soo saaray diiwaan-gelinta

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlad goboleed QM u gudbiyey dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---