Ciidanka Xoogga dalka & kuwa Galmudug oo la wareegay degaano hoos taga Xarardheere

Ciidamada milateriga Somalia iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka gaaray degaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Degaanada ay gaareen ciidamada iskashanaya ayaa waxaa ka mid ah Miliqo, dabagalo, Cell Cabdi iyo kuwa kale oo hoostaga degmada Xaradheere.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ciidanku ku sii jeedo Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Jen. Biixi oo howlgalka horkacayo ayaa kormeeray xaafadaha degaannada ay Ciifamada kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano hoostaga degmada Xarardheere oo talis weyn u ah Al-Shabaab.

 

- Advertisement -