Laftagareen: “Waxaa jira Musharaxiin la ii sheegay iney wadaan hub urursi”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul u weeraray musharaxiin xilal raadinaya oo uu sheegay iney is hubeynayan

Laftagreen ayaa xusay in siyaasiyiinta qaarood ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada inkastoo uusan sheegin Magacyadooda.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu dhiirrigelinayay ciidamada qalabka sida oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo

“Annagoo awalba amniga sugnay ayaa waxaan u baahan nahay in labada gacmoodba lagu shaqeeyo, oo gacanna amniga lagu sugo, shabaab meesha uu joogo looga daba tago, gacanna amniga magaalada lagu sugo, maadaama dad badan ay imaanayaan oo aan aaminsan nahay inay ku soo dhuumanayaan Shabaabkii,” ayuu yiri.

Laftagareen ayaa tilmaamay sifooyin cusub oo ay la soo baxeen musharaxiinta qaar ee xilalka raadinaya.

“Qofka marka uu xilka raadinayo miyir badan ma laha, wax walba ayaa ka suurtooba. Wax aanan kursiga ahayn uma jeedo, waxaana mudadaan dambe soo siyaaday wax la yiraahdo cagojugleyn. Farriin baa laguu keenayaa, waxaa laguu sheegayaa in ninkii hebel ahaa uu soo gatay hub (2 PKM, 3 PKM), haddii kursigeyga hadal la geliyo tii dheereed baa dhaceysa, waxaase isweydiin leh ma dagaal baa loo socdaa mise doorasho” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay inuu amaanka gacan bir ah ku qaban doono xiliga doorashooyinka.

“Doorasho waa tii dadka wax dooranaya la tuugi jiray, wax la siin jiray, oo been iyo run la isugu dari jiray, laakiin haddaad dhahdo waan idin dhammeynayaa oo hub baan idiin soo qaadanayaa, waa tii shabaabka oo kale. Dadka wax dooranaya ee shacabka ah waxaan u ballan qaadayaa inaysan jiri doonin cid nabad galyadooda waxyeelleyn karta.” ayuu yiri Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -