Raisul Wasaare Rooble oo fariin ku aadan Doorashada u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo isaga wefdigiisu dalka dib ugu soo laabteen ayaa ka warbixiyay shirkii uu uga qeyb galay magaalada London iyo kulamo uu la qaatay Raisul Wasaaraha Ingiriiska.

Rooble ayaa sheegay in guul uu kusoo dhamaaday shirkii looga hadlayay waxbarashada ee London ka dhacay, waxa uu tilmaamay in shirkaasi Soomaaliya wax badan ay kasoo faa’iiday.

Raisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay in kulan uu la qaatay Raisul Wasaaraha Ingiriiska Uga wada hadleen arimaha Doorashads Soomaaliya iyo sidii UK u xoojin laheyd taageerada ay siiso Dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in doorashada dalka ay bilaabatay, waxa uuma faray madaxda dowlad goboleedyada in ay dedejiyaan qabashada doorashafa labada aqal .

- Advertisement -