Olole cusub oo ka b ilowday Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (Sawirro)

Waxaa maanta qeybo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka bilowday olole cusub oo dhis beeris ah oo lagu doonayo in lagu beerayo in ka badan 2.5 milyan oo geed.

Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in qorshuhu yahay in guud ahaan deegaanka lagu beero geedo nuucyo kala duwan ah si loo helo deegaan qurux badan oo wada cagaaran.

Barnaamijkan dhir beerista ayaa maanta ka bilowday magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana dhir beerista maanta ka qeyb galay masuuliyiin kala gedisan oo maamulka katirsan.

Ololahan cusub ee dhir beerista ayaa guud ahaan ka bilowday dalka Itoobiya , waxaana dowlada qorsheesay in dalkaasi lagu beero balaayiin Dhir ah si wax looga qabto nabaad guurka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -