Dowlad weyn oo sameesaneysa Diyaarado loogu magac daray Maalinta Qiyaamaha !

Dowladda Ruushka ayaa isu diyaarinayso suurtagalnimada in dunidu uu ka dhaco dagaal la isu adeegsado hubka niyuukleerka.

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Moscow ay sameysanayso laba diyaaradood oo loogu magac daray “Maalinta Qiyaamaha”, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu qaado madaxda ugu sarreyso dalka iyo hoggaamiyeyaasha milatariga haddii dalkaasi hubka niyuukleerka lagu soo weeraro.

Wakaaladda wararka ee dalkaas Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa ila-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada cirka iyo kuwa hawada sare ee dalkaas ay laba saldhig oo talis ah ku yeelan doonaan gudaha diyaaradda nooca Il-96-400M.

Diyaaradda Il-96-400M ayaa ah diyaaradda nooca Il-96 oo diyaarad weyn oo duulimaadyada rayidka loo isticmaalo oo la casriyeeyay. Noocyo badan oo ka mid ah diyaaraddaasi Il-96 ayaa haatan ah diyaaradda inta badan uu ku safro nadaxweyne Vladimir Putin, si la mid ah diyaaradda Air Force One ee dalka Mareykanka.

Labadan diyaaradood ayaa waxaa lagu farsameyn doonaa magaalada Voronezh, halkaasi oo ay ku taallo warshadda Voronezh Aircraft Production, taasi oo sameysa diyaaradaha rayidka iyo kuwa milatarigaba.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaarad saddexaad oo noocaasi ah la sameyn doono mustaqbalka, waxaana diyaaradahani cusub ay beddali doonaan diyaaradda nooca Il-80 oo hadda gabowday.

Warbaahinta Ruushka ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore sheegtay in qeybo ka mid ah raadiyaha diyaaradda nooca ‘Doomsday’ ee Il-80 laga xaday magaalada Taganrog, xilli dayactir lagu sameynayay.

Xatooyadaasi ayaa markii dambe loo soo xiray muwaadin u dhashay dalkaasi oo shaqo la’aan ay haysatay.

Maraykanka ayaa leh diyaarado loogu talagalay madaxda sare, waa haddii ay dhacdo in nukilyeer lagu soo weerarro dalkaas.

- Advertisement -